SSC oo dhaarisay gudd. hore ee G/Gabilay-Somaliland oo laga shakiyay

Reading Time: < 1 minute

Cabsiyo iyo walwal la soo darsay hogaanka SSC ee dhanka Somaliland ayaa keenay in hogaanka iyo isimada SSC-Khaatumo ay ka shakiyaan mas’uuliyiinta ka soo goosatay maamulka Somaliland.

Gudiga maamulka SSC ayaa kitaabka quraanka ah ku dhaariyay gudoomiyihii hore ee Gobolka Gabilay ee Somaliland kaas oo go’aansadat inuu ku  biiro SSC.Gudoomiye Cabdiqani Jiidhe ayay gudida SSC ka shakiyeen, shakigaasi oo ku saabsanaa in uu Cabdiqani basaas uyahay Muuse Biixi.

Gudoomiye Jiidhe, ayaa  ka dhaartay in Somaliland soo dirsatay wuxuuna saddex Walle ku maray in uu daacad ka yahay halganka xoreynta ee dhulka SSC. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa khilaaf ka dhashay Cabdiqani Jiidhe in uu daacad uyahay SSC iyo in uu Basaas uyahay Muuse Biixi uu ka soo ifbaxay magaalada Laascanood.