SSC-Khaatumo oo sheegtay inay maxabiista ay-heyso ku wareejinayso-laanqeyrta-cas

Reading Time: < 1 minute

Dowlada  SSC-Khaatumo ayaa sheegtay inay siideyn-doonto qaar ka mid ah maxaabiistii ay 25-kii bishii Agoosto ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay Goojacadde iyo Magaara.

Sida ay sheegayaan warar hordhac ah   dadka haatan lasii daynayo ay yihiin ilaa afar maxbuus oo ay ku jiraan 2 nin oo qaba dhaawacyo daran. Waxaa kale oo lasii dayn doonaa labo qof oo kale oo kala ah haweenay xaas u ahayd mid ka mid ah taliyayaashii ciidanka Somaliland iyo wiil yar oo 16-jir ah.

Waxaa la sheegay in sidoo kale la sii dayn karo maxaabiista kale ee dhaawacan iyadoo loo eegayo xaalad bini’aadminnimo waxaana lagu wareejinayaa laanqayrta cas ee ICRC.

Dhanka kale, SSC khatumo ayaan awoodin inay masruufaan ama ay biilaan maxaasta faraha badan oo ay hayaan kuwaas oo u baahan boqolaal kun oo lagu masruufo maxaabiistaas.