South Africa: Afar Askari aya Nogala Dilay Weerar Ka Dhacay Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Reading Time: < 1 minute

Dowladda South Africa ayaa shegtay weerar ka dhacay jimcihii Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose looga dilay afar muwaadin oo u dhashay dalkaasi.
Qoraal kaso baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka South Africa ayaa lagu sheegay in afarta qof ay ahaayeen tababarayaal Military oo tababar siinayay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxay dowladda South Africa sheegtay in ay baarayso in muwaadiiniinteeda afarta ah lagu dilay qaraxa Gaari ee ka dhacay Saldhigga Ciidan ee degmada Afgooye iyo qaraxii miinada ahaa ee lala eegtay baabuurtii dhaawacyada u soo waday Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka iyado Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli wax war ah ka soo saarin weerarka iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.