Soomaliya oo sheegatay in lix qof oo cusub u dhinteen cudurka Covid19

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 24-saac ee la soo dhaafay Soomaaliya ay xanuunka Coronavirus ugu geeriyoodeen 6 ruux.

Wasaaradda ayaa sheegtay dhimashada laga diiwaan galiyay goboladda Banaadir, Puntland, Jubbaland iyo Somaliland. Sida ku cad xogta tirada laga baaray xanuunka 24-saac ee la soo dhaafay waa 887, waxaana laga helay 29, iyada oo ay xanuunka ka bogsadeen 42 ruux.

Halkaan ka aqri warbixinta wasaaradda.

Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 887

o Laga Helay: 29

o Banadir: 17

o Puntland: 11

o Somaliland: 1

o Lab: 18

o Dhedig: 11

o Bogsashada: 42

o Dhimasho: 6 (Banadir:2, Puntland:2, Jubbaland:1, Somaliland:1)

Tirada Guud ee Laga Helay: 15,323

Bogsashada Guud: 7,430

Dhimashada Guud: 804

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!