Soomaaliya oo yeelatay Baarlamaankii 11-aad iyo Xukunkii Farmaajo oo soo dhammaaday

Reading Time: < 1 minute

Waxa maanta magaalada Muqdisho lagu dhaariyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kadib kadib doorahsadii ugu khilaafka badneyd ugu dheereyd.

Xafladda Dhaarinta ayaa ka dhacday Xarunta Afisyoone ee Xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana kao qeyb galay inta badna xildhibaannada labada aqal oo ay maanta ku soo biireen kuwa laga soo doorto K/Galbeed.

Dhaarinta maanta 14-ka April 2022 ee Baarlamaanka 11-aad ayaa soo afjartay dowladii Baarlamaanka 10-aad ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasoo muddo 5 sano ka badan ku fadhiyey kursiga, marna isku dayey muddo kororsi laba sano ah oo qalalaase dhaliyey.

Waxaa maanta kusoo dhammaaneysa dowlad uu hoggaankeeda kala qeybiyey dalka iyo dadka, una horseeday in ilaa waqtigii ugu danbeeyay uu taagnaado khilaaf siyaasadeed, qalalaase Dastuur iyo mid amni.

Wixii maanta ka danbeeya Baarlamaanka cusub ayaa la wareegay talada dalka, waxaana la dhaqaajin doonaa dhammeystirka Baarlamaanka, Doorashada Guddoonka labada Aqal iyo Madaxweynaha cusub, iyadoo ay soo xirantay taariikh kale oo ka mida dowladnimada Soomaaliya oo dalku halis u galay inuu ku noqdo dagaallo sokeeye.