Soomaaliya oo taageertay qorshaha Sucuudiga ee lagu cunaqabateynayo Turkiga & Qatar

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb galay shir ay soo agaasimeen dowladda Sucuudiga  kaaso lagu sameeyay gaashaan buursi u dhexeeyay dowladda Sucuudiga dowladaha dega badda cas.

Wasiirka aya aad u bogaadiyay Boqor Salman kaalinta uu qaatay sameynta gaashaanbuurta Badda Cas si loo helo xasilooni ka dhalata gacanka cadmeed.

Isbaheysigan ayaa loo sameeyay sidii looga ilaalin lahaa wadamada Turkiga, Qatar iyo Iran in ay ku yeeshaan seameyn dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda wadamada Soomaaliya, Itoobiya, Eriteriya iyo Masar.

Dowladda Sucuudiga aya xoogga saareysa in ay u isticmaasho dhaqaale sidii aanay marnaba ugu yeelan lahayn saameyn wadamada Turkiga, Qatar & Iiran.

Dalalka Qatar iyo Turkiga ayaa geliyay malaayiin doollar dalka Soomaaliya, waxaana ay si lama filaan ah hadda qeyb uga noqdeen isbaheysiga Sucuudiga & Imaaraadka, waxaana arrintan Soomaaliya cadaadis ku saaray dowladda Itoobiya.

Hoggaanka goboloda Waqooyi ee Soomaaliya oo loo yaqaan Somaliland aya ka hor yimid qorshaha Sucuudiga iyagoo sheegay in aanay suuragal ahayn in la sameeyo isbahesiga badda cas oo aanay Soomaaliland qeyb ka ahayn.

Khabiir ku sugan gobolka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay la ciyaari doonto dabka balse ay taageertey dadaal kale oo looga danleeyahay in lagu go’doomiyo, labada dal ee ku qarash gareeyay malaayiin doolar oo ka mid ah hay’adaha jilicsan ee Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!