Reading Time: < 1 minute

Waxaa goor hore ay DF shaacisay in berri ay tahay Ramadan iyadoo War kooban oo kasoo baxay Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in beri oo sabti ah la dhameestirayo bisha Barakeesan ee Ramadaan Ciidana ay noqoneyso maalinta Axad.

Waxa magaalada Kismaayo iyo magaalooyin kale laga xaqiijiyay aragtida bisha soon fur waxaana dowladda ay bedeshay mowqifkeedi hore waxaana lagu dhawaaqay in berri ay tahay maalintii ciid.

Qaar kamid ah dowladaha Islaamka ayaa horey u shaaciyay in beri oo sabti ah la dhameestirayo 30-ka bisha barakeesan Ramadaan ayna ciida noqoneyso maalinta xigta oo axad ah.