Guud ahaan warbixinta kooxda dabagashaa Musuqmaasuqa ee sannadlaha ah waxay sheegeysaa wali dalkaeennu inuu la dalaadhacayo musuqmaasuq. Waxaan dalka dunida ugu hooseeya uguna liita dhinaca la dagaallanka Musuqmaasuqa. Waa markii ugu horreeysay oo aan liiska kasoo galno halka hoose, walow sanadihii lasoo dhaafay aay naga hooseeyeen Koofurta Suudaan & Afganistaan, haddana tan iyo markii xukunka qabtay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre, waxaa cirka isku sii shareeray musuqmaasuqa ka jira dowladda dhexdeeda.
Dawladdaan madaxeyne Farmajo iyo Xasan Cali Kheyre waxay mar waliba dadka u sheegi jirtay dhammaan sannaddii tagtay inay tahay dawlad isla xisaabtan iyo xukuumaddii daahfurnaanta. Meelkasta oo uu ka hadlo Kheyre waxaa uu ku celcelin jiray isla xisaaabtan iyo daahfurnaan.
Haddaba aynu dib u milicsanno sannadkii daahfurnaanta la dagaallanka Musuqmaasuqa ee Farmaajo iyo Kheyre 2017.
Hay’adda caalamiga ee ah Transparancy international oo u abtirisa la dagaallanka musuqmaasuqa ayaa sannad kasta soo saarta sida dal waliba uu ula dagaalo musuqmaasuqa iyo wax isadaba marinta. Somaliya sannadkan waxay xajisatay booskeedii ugu hosseeyey kaas oa muddo ku jirtay oo lagama riixan halka ugu hooseysa la dagaallanka musuqmaasuqa. Talow qaylidii Kheyrre ee la dagaallanka musuqmaasuqa iyo daah furnaanta la xisaabtanka iwm maxay dhashay?
Si aan Cabir u hello aan dib ugu noqonno 2015 iyo 2016 iyo sannadkii tagay ee 2017 oo ah kan la qiimeynayo halka ay Somaliya joogtay. 2015 waxay dhibcaha aan hellay uu ahaa 8 halka dalalka New Zeland iyo Denmark ay ka heleen 91 dhibcood. Waa garan kartaa farqiga noo dhaxeeya annaga iyo dalalkaas.
Hasa yeeshee, waxaa farxad ahayd in 2016 ay dhibacaheennu kor u kaceen 2 dhibcood oo aan gaarnay 10 dhibcood, iyadoo waliba ay doorasho jirtay waayo doorashooyinka waxaa is dhaaf dhaafa lacago badan, laakiin dawladdii markaas jirtay oo sameysay dadaal dheer waxaa kor loo kacay 2 dhibcood. Waxaa hubaal ahaa inaan numberka kowaad noqon lahayn marka hoosta laga soo tiriyo haddii waddadii la qaaday 2016 lagu socon lahaa.
Laakiin wakiillada shacbiga ee xelligaan (Barlamaanka) ayaa waxay goosteen inay haboontahay in la badalo hoggaankii dalka oo la keeno hoggaan cusub oo dardar deliya hawlaha dalka. Iyadoo aan la is weydiin dar dar noocee ah ma dardar dib u dhac misa dar dar horusocod. Hubaal dardar waa la geliyey balsa dhankee loo geliyey? Bal adba!!
La dagaallanka iyo legdin ku boobka musuqmaasuqa ee R/Wasaare Xasan kheyre ku baaqayey kadib, Waxaa la yaab noqotay in halkii cir laga filanayey uu caad ka yimaado oo 2017 hoos looga dhacay halkii kor loo kici lahaa, iyadoo ay dalka hogaamineyso dawladdii isku magacaawday dawladdii daahfurnaanta iyo la dagaallanka Musuqmaasuqa.
Sida cad daahiina waa la xeray musuqmaasuqna waa lagu qubeystay. Waxaanu musuqmaasuqa ka yimid lacag badan oo dalka soo galay oo aan qorashah dawladda iyo miisaaniyadda dawladda midna la gelin , iyadoo lacago badan lagu bixiyey xildhibaanno iyo Saxaafdda loo qoray mushaahar si loo fasahaadiyo taas oo ay san xaq u lahayn miisaaniyaddana aan ku jirin.
Arrinkaa waxaaka dhasha laba cilladood oo weyn dalkana wax u dhimmi doona. Cilladda kowaad waa musuqmaasuq kaas oo loogu talagalay inaysan ka hadal khaldaadka xukuumadda ee tirabeelka ah iyo cilladda labaad oo ah iyadoo dadkaas ka dhigeysa kuwa ku tiisanaada mushaar siyaasadeysan oo aan joogto ahayn kuna dhisi doono noloshooda, taas oo keeni doonta in qofkaas (xidhibankaas) uu dhulka ku soo dhaco marka la saxo khaladka.
Haddaba hay’addaan waxay eegtaa oo kaliya musuqmaasuqa ee haddii la eegi lahaa dhinac kasta sida maamulka, hogaaminta, nabadgelyada, horumarka iwm waxaa caddaan lahayd in Somaliya laga nixi lahaa dib u dhaca weyn ee ku yimid 2017.