Soomaaliya oo lumisay codkii aay ku lahayd ururka Qaramada Midoobay (Dokuminti)

Reading Time: < 1 minute

Waa markii ugu horeeysay taariikhda dowladda Soomaaliya in aan cod kuyeelan weyno kulankii Qaramada Midoobay waxaayna nasiib darro utahay qarannimadeena iyo jiritaankeena dowladnimo

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guteres waxa uu soo saaray Qoraal uu ku caddeeyey inaysan wax cod ah dhiiban Karin dalkeena Soomaliya iyo 3 waddan oo iyaguna nagu wehliya waxaana loo cugsaday in aysan dhiibin gunnadii waajibka ku’ahaa in ay bixiyaan.

Dowladda Xasan Cali Kheyre ayaa ku ceebeysan magaalada New York oo uu kaga qeyb galaayo shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Waxay ku ekeeyd qabashada lacagta gunnada ah ee laga rabay dalka Soomaaliya 31 bishii Ogosto ee sanadkan 2017.

Gunnada laga rabo waddan walba oo xubin ka ah ururka Qaramada Midoobay ayaa ah mid aad u yar taasoo labadii sanaba mar la bixiyo. Waxaa Dowladda Soomaaliya aay sahay safar u qoondeysay sanadkan 2017 adduun dhan $9 Milyan oo doollar halka aay gabtay in aay bixin weydo markii ugu horreysay taariikhda gunnadii Qaramada Midoobay, taasoo Soomaaliya sanadkan ka dhigeysa waddan ka mid ah wadama ku jira liiska MADOOW ee QM.

Halka ka aqriso RIIX

[su_document url=”https://muqdisho.s3.ap-south-1.amazonaws.com/2017/09/SomaliaQM.pdf”]