Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka olombikada ee ka socda Japan waxay ku tartamaysaa feerka ayaa la saadaalinayaa in ay maanta cayaarteeda ugu horeeysay ay guul ka keeni doonto. Waxay galabta la ciyaari doonta gabadha u dhalatay dalka Romania ee lagu magacaabo Maria Claudia Nechita halkaas oo ay ku wada feertami doonaan.
Feerkooda ayaa noqonaya kii 16-aad ee tartankan hada ka soda dalka Jabaan. Ramla Cali oo ah gabadh Soomaali ayaa mar kale taariikh u sameynaysa dalkeeda, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olimbikada.
Sanadkii 2017 ayay aheyd markii Ramla ay ku guuleystayb tartanka feerka, waxay noqontay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah eek u guuleystay feer dalkaas. Wixii ka dambeeyay guushaas waxay go’aansatay in Soomaaliya ay ku matasho tartanka Olimbikada gaar ahaan feerka.