Waxaan marnaba cudurdaar loo hayn inay dawladdani dalka sii xukunto iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu madaxweyne sii ahaado. War aaway shacabkii shalay iyagoo xor ah Farmaajo u bannaan baxay? Maanta aaway dadnimadii ay ugu bannaanbaxeen? Haddi uu dalka ku dheelay maxay uga qaban la’a yihiin.
Aaway Xildhibaanadii shalay iyagoo xor ah doortay Maxamed Cabdullahi Farmaajo? Maanta maxay dalkan uu baabi’inayo ugu fiirsanayaa miyeysan ogeyn in Allihii abuurtay uu kula xisaabtami doono dhaartii ay ku dhaarteen kutubka quraanka ee ahayd sidaan wax ka duwan.
Aaway culimadii shalay na la hayd codkiinna ku cibaadeysta? Ma sidaan ayey cibaado ula jeedeen oo dalka diintiisa iyo masiirkiisa oo la fasahaadiyaa miyey cibaadada ula jedeen. Rabbi waa la hubaa inuu idin weydiin.
Aaway shakhsiyaadkii shalay Itoobiya ayaa cadow noo ah oo ina dhexfadhida lahaa? Sow kan habeen hore lahaa Itoobiya waxay dooratay wiil Farmaajo oo kale ah. Xagee ayuu beentaas qiyaamaha la joogsan doonaa?
Runtii waxay joogtaa aan ooyee albaabka ii xera. War sidan caqli maaha. Waxaa horteenna ku dhimanaya dalkii sida dhibta badan loo soo celiyey ee min Carta ilaa xero doofaarro lagu dhaqo an u tagnay sida la sheegay, laakiin ugu dambeyntii ay wax dawlad u eg noo soo noqdeen inay maanta joogto mar kale inay burburto oo waliba u noqoto meel uu jiritaankeennu baaba’ayo.
Bal akhristow adigoo cadaalad falaya fiiriya waxa K/Galbeed ka dhacaya. Dawladdii ayaa waxay diyaarineysaa inay ka dhabeyso hadalkii uu yiri R/Wasaare kheyre oo ahaa reer K/Galbeed waa Beec, oo uu ka waday damiir iyo dadnimo toona ma laha waa la iibsan karaa, haddana lacag la dhex wareegaya.
Dhammaan xildhibaanadda K/Galbeed waxaa laga simay $5000 oo kuwii Xamar lagu siiyey maahee kuwii Baydhabo ku haray guryahooda loogu geeyey, si ay ugu coddeeyaanka shakhsiga uu Farmaajo wato.
Farmajo waxaa isagana laga hayaa K/Galbeed ama waa lagu kala tagi oo waa burburi ama waxay noqon sida aan rabo oo ah ugu dabeyn inay dhasho in Jubbooyinka loo gacan geliyo beeshiisa.
Waxaa Xamar laga soo dhiibay liis ay ku qoran yihiin magacyo la rabo inay marin habaabiyaan doorashada K/Galbeed iyagoo shakhsiyaadka la is leeyahay dadka Reer K/Galbeed ayaa raba oo waxay ka shaqeyn karaan danahooda in doorashada laga reebo, iyadoo horayba loo iibsaday Shariif Xasan oo dad badani ay naceen, balse uu ahaa shakhsi isku hayey awoodda K/Galbeed, maantasa ay kala dhimatay.
Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada.
Waa dhab in dadka Somaliyeed aysan jecleyn madaxda maamul goboleedka, laakiin marnaba la isma weydiiyo maxaa dhalay? Waxaa dhalay kala aamin baxa ka dhashay dawlad xun oo dalka gelisay dagaal sokeeye, kadib markii ay ku takri fashay awooddii dawladnimo, iyadoo isticmaaleysay xoog milateri, hasa ayeeshee dawladdaan oo iyada dalka u wada inuu sidaas iyo waliba ka xun uu u burbuo ayaa isticmaaleysa lacag iyo laaluush.
Sidaas darted naceybka loo qabo fedraalka oo aan iska badali karno markaan rabno iyo maamul goboleedyada ayaa waxay u muuqataa inay naga sii tuureyso qar kii hore ka weyn oo ay adag tahay sida looga soo baxaa mar kale. Fedreaalka haddii la naco waa in la badalaa ee maaha in la bururiyaa.
Akhriste Farmaajo inuusan xumeyn ayaa laga yaabaa laakiin inuu fiican yahay qof ahaan iyo inuu hogaankiisu fiican yahay waa kala labo. MW Farmaajo ma aha shakhsi dal sida Soomaaliya oo kale ah hogaamin kara. Sidaas darted waa in si dhakhsa ah loo badalaa waayo isagu wuxuu aaminsan yahay in Soomaaliya oo dal weynaha itoobiya la hoos geeyaa ay Soomaalida ka heli doonto dhaqaale badan. Laakiin gurigaaga oo lagu qaato cod doorasho aan xalaal ahayn ama caqli ama xoog midkii la doono ha lagu qaatee maxay lacagi kuu tari?
U fiirso shaxdaa is barbardhigeysa labada dal, sideesa u midoobi karaan una yeelan karaan is dhexgal sow maaha ha lagu liqo?
- Ethiopia = Tirada Dadka 105 Milyan. Diinta ugu badan waa Masiixi
- Somalia = Tirada Dadka 14 Milyan. Diinta waa 100% dadka waa Muslin.
- Itoobiya Dakhliga Sannadkii qofka ku soo hagaaaga $1100
- Soomaaliya Sannadkii $600 sannadkii
Haddaba sow halkaan kama cada in Soomaaliya la liqayo tira ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Dhinaca kale waxaa uu dalka Itoobiya leeyahay khubaro dajisa siyaasadda guud ee dalka iyo diblomasiyadda oo dawladooda, Milaterigooda iyo Sirdoonkooda siiya talooyin sax ah oo ummadooda u dnaeynaya, laakiin MW farmajo waxaa la taliyayaal u ah Cabdisiciid Muuse iyo Balal, iyadoo waxyaabaha qaar uusan la socon Kheyre oo isaga ku mashquulsan lacag urursi.
Isku soo duub waxaan garan la’nahay sababta ay shacbiga uga gilgilan la’yihiin dhibaatooinka aan kala go’a alahayn ee maalin walba lagu hayo dalka iyo dadka Somaliyeed yadoo barlamanka ay nagu fiirsanayaan dhibaateynta joogtada noqotay. Haddaan maanta la iska qaban dawladdaan waxaa suuragal ah boqol sano oo gumeysi ah uu dalku galo.
W/Q. Axmed Maxamed Cali