Soomaaliya oo Kenya ku eedeysay inay ciidan ay soo tababareen u soo dirtay Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya  Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa eedeyay dalka Kenya inay Soomaali ay soo tababeen u soo direen Soomaaliya, kuwaas oo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhanka kale  Taliye Biixi ayaa sheegay  im dhalinyarada ay soo hubeysay Kenya ee ku sugan aagga magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ay heystaan fursad ay cafis uga heli karaan dowladda Soomaaliya. Waxa uuna u balan qaaday in la canin doono dhalintaas ayaa ay ka tanaasulaan shaqada ay dowlada Kenya u soo dirtay.

“Anaga diyaar umanihin inaan dagaal galno, ma dooneyno in dhalinyarada Soomaaliyeed uu cadawgu iska hor keeno, waalidiin ayaad tihiin ee lasoo baxa dhalinyaradiina waana cafis cid qabsaneyso ma jirto, xitaa haddii ay doonayaan kamid noqoshada ciidanka Dowladda in aan ku biiriyo oo aan tababarno,” ayuu  yiri Taliye Biixi.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Madax bannaanida dhuleed kuma xirna dowlad ama shaqsiyaad, balse waa dan guud oo waajib ku ah, maadaama la badali karo dowladda, lama badali karo calanka, dhulka iyo nidaamka, sidaas awgeed waa muhiim in la ilaaliyo dalka oo la difaaco.”