Soomaaliya oo ka mid Noqotay Dalal Carbeed oo Dhoolatus Milatari ku Sameynaya Badda Cas

Reading Time: < 1 minute

Hogaanka Cusub ee dalka oo Xafiiska Fadhiya 16 Maalmood  ayaa ku guuleysatay in markii ugu horreysay ay Ciidankeenna ka qeyb galaan dhoollatus weyn oo ay  sameynayaan Ciidamada waddamada Carabta ee kulaala Badda Cas.

Waddan  kala ah Masar, Sacuudiga, Urdun, Suudaan, Jabuuti, Yemen, iyo Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inay samayn doonaan  dhoolatus milatari oo looga gol leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka dalalka ku teedsan badda cas.

Taliyaha Ciidanka galbeedka dalka Sucuudga, Admiral Yahya bin Mohammed Al-Asiri, ayaa sheegay in dalalka ku teedsan badda cas ay is-weydaarsan doonaan khibrado sare loogu qaadayo amniga baddaha iyo xorriyadda socdaalka badda cas.

Waxaa hawlgalka Dhuullatuska hogaamin doona Admiral Yahya waxaanu sheegay, in Waddamadaan ay muujinayaan muhiimadda marin-biyoodku u leeyahay adduunka oo dhan dhaqaale ahaan.

Sacuudi Carabiya iyo  dowladaha  ka qeybgalaya dhoolatuska milatari, waxay ku midaysan yihiin isbaheysi lagu horumarinayo iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee Gobolka geeska Afrika oo ay Somaliya uga taallo meel muhiim. 

Somaliya oo gashay xeydaab siyaasadeed oo ku kooban waddamada Erateriya iyo Itoobiya oo kaliya 5 tii Sano ee tagtay ayaa hadda qaadaneysa doorkeeda siyaasadeed ee geeska Africa, munida Carabta Iyo Caalamka.