Soomaaliya oo ka mid ah seddexda waddan ee loo diiday cafiska deymaha (Beentii Beyle & Kheyre)

Reading Time: 2 minutes

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda lacagta adduunka (IMF), Cristine Lagarde.

Wasiirka Qorsheyta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xassan, ayaa sheegay in dhammaan shirarkii ay yeesheen laga gaaray isfahan ku saleysan in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta kaddib markii ay Soomaaliya ka mid noqotay seddexda wadan ee loo diiday cafinta deymaha sanadkan 2019.

Waxaa hindiseyaashii cafinta deynta laga reebay codsigoodii sadex dal oo ku yaal Geeska afrika kuwaas oo kala ah wadamada Eritrea, Somalia & Sudan. Waxaa sidoo kale laga cafiyay daymihii lagu lahaa wadamada kala ah.

[su_highlight background=”#fffd99″]Afghanistan ,Central African Republic ,Ethiopia Haiti ,Mauritania, Senegal, Benin, Chad The Gambia, Honduras,Mozambique, Sierra Leone, Bolivia ,Comoros.Ghana Liberia. Nicaragua,Tanzania.,Burkina Faso Republic of Congo, Guinea Madagascar Niger, Togo, Burundi,Democratic Republic of Congo, Guinea-Bissau, Malawi,Rwanda, Uganda, Cameroon.Cote d’Ivoire, Guyana Mali. Sao Tome & Principe, Zambia.[/su_highlight]

Wadamada aya bilaabay qorshaha cafiska deymaha lagu leelayahay sanadkii 2008. Taasoo iminka laga joogo muddo ka badan 10 sanadood.

Arinkan oo Fashil ku ah Faankii Raysal wasaare khayre iyo wasiir Cabdirahman Bayle shacabka soomaaliyeed war been ah ka dhaadhiciyey.

Ra’iisul Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda ayaa waxa kadaba timid beentii ay u sheegi jireen shacabka oo ahayd in Soomaaliya laga cafinaayo deymaha, balse hadalkaas uu ahaa mid lagu qarinaayo dhaca iyo boobka ay labada masuul ku hayaan dalka.

Wasiir Beyle aya guryo dabaqyo ah ka dhisanaya magaalada Hargeysa taasoo qeyb ka ah hantida uu boobay tan iyo markii uu xukunka la wareegay MW Farmaajo.