Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa sheegay in la joogo waqtigii lasoo afmeeri lahaa howlgalka waqti dheeraaday ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.
Baalle ayaa sheegay in Soomaaliya ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbaneyso in la joojiyo howlgalka tirsigiisu yahay 2608 (2021) kaas oo waqti ahaan ku siman 3da Maarso 2022.
Xeebaha Soomaaliya ayuu ku sheegay Danjire Abuukar Baalle in ay nabadgalyo yihiin oo aanay jirin qafaal ama isku day ay sameeyeen kooxaha Burcad Badeeda ee sababta u ahaa howlgalkaan Caalamiga ah oo waqti dheer socda.
“Weerarada Burcad Badeeda marka la eego shanti sano u dambeysay ma dhicin isku day oo waxaa nabadgalyo ah xeebaha Soomaaliya iyo Biyaha Caalamiga ah, Howlgalka Caalamiga ah ee loo yaqaan la dagaalanka Burcad Badeeda waa in lasoo afjaraa si kaalmada ku baxda fursado kale looga faaiideysto” ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle.
Abuukar Daahir Cismaan, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa hadalkaan ka sheegay kulanka Golaha Ammaanka ee 15ka Febaraayo 2022 oo looga hadlay xaaladda Dalka gaar ahaan Doorashada, Amniga & howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda.