Guulaha isdabajoogga ah ee uu dalku gaarayo iskama iman ee waxay ku yimaadeen tallaabooyin is dhameystirayey oo ay dowladda MW Xasan Sheekh iyo RW Xamza Qaadday, welina ku taagan tahay.
Dowladi waxay ku dhisantaa marka la isu helo:
1- Hogaan leh aragti fog oo dadkiisa la wadaagi kara halka u uku wado kadibna ku dhaqaaqi kara si aragtidaas looga dhabeeyo.
2- inay tahay dowlad qadan karta go’aamo qaraar oo aan xataa taageerayaal badan lahayn bilowga laakiin ku adkeysata kana mira dhalisa ugu dambeynta.
3- Shacab iyo shaqaale garta in aysan dowladi kaligeed wax qaban karin haddaan lala shaqeyn oo loo hurin maal iyo naf si looga helo waxyaabaha muhiimka u ah jiritaanka ummadaas.
Haddaba aynu mid mid u eegno qodobadaan iyo halka dowladda Somaliyeed ay maanta ka joogto.
Qodobka kowaad: Hogaan arragti leh waxaa hubaal in MW Xasan Sheekh markii uu imanayey talada labadii jeerba ay u cadcaddaayeen yoolka iyo halka uu rabo dalkaan inuu gaarsiiyo. Doorkii hore tallaabooyinkii la bilaabay waxay kuwada dhammaadeen guul si kasta oo markii uu qaaddanayey go’aamadaas ay u qaraaraayeen, ahaan kuwa guushooda aysan cid waliba sii arki karin waxaana ka mid ahaa:
- Deyn cafinta oo maanta joogta guul inkastoo uu habac galay intii uu talada ka maqanaa.
- Hawada Somaliya oo maanta ay guusheeda Somaliya u dabbaal dageyso ka soo bilaabatay bilihii ugu horreyey markii uu talada la wareegay MW Xasan Shekh 2012.
- Ka xoreyntii dalka Shabaab oo mudo xileedkaas laga xoreeyey 80% dalka ooo dhan, laakiin ay dib ugu soo noqdeen intii uu talada ka maqnaa.
- Dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo garoonka dayuuradaha oo aysan waxba ku darin dowladdii ka dambeysay.
- Iyo go’odoonkii ku meelgaarka ka dhashay oo dalka laga saaray loona furfuray caalamka, inkastoo uu MW FarmJo xeydaab kooban giyey.
Doorkaan waxaa uu aad uga wanaagsan yahay kii hore waayo waxaa la ogyahay in guulaha la gaari karaa ay muuqadaan oo wax lagu dil dhisi karo wixii ka soo haray doorkii hore wixii la qabtay ee aan baabi’in.
Qodobka labaad: Qaadashada go’aamo qaraar waxaa uu qof waliba ka marqaati kacayaa in siyaasi walba uu diidanaa tallaabooyinkii lagu furfurtay markii uu talada la wareegay MW Xasan sheekh. Magacaabista xukuumadda iyo hogaankeeda aad ayaa loo dhaliilayey, Taliyayaasha Ciidamada iyo hay’adaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo maamulka oo la rabay inay hal mar lawada badelo balse uu diiday oo Madaxweynaha oo qof walibana loo eegay waxqabadkeeda. Dagaalka shabaab oo iyadoon wax dhaqaale ah loo hayn lagalana wareegay dowladdii hore khasnado maran oo maanta guushiisii la arko.
Dib u heshiisiinta oo laga bilaabay meeshii ugu adkeyd oo ah caqiidada iyo Culimada lana arkay maanta bayaankii culeyska badnaa ee culimada ka soo baxay. Ku biirista urruro caalami ah, furfuridda dalka mar kale iyo soo nooleynta dhammaan xiriiradii mugdiga halay 5 tii sano ee Farmajo.
Qodobka Seddexaad: Shacbiga oo maanta u diyaar ah inay dowladda u huraan waxkasta oo ay wax ku qaban karto kadib markii la arkay inay tahay dowladdii la sugayey ee nolosha qofka Somaliga ah la simi lahayd dalalka la ayniga ah.
Gabagabadii Somaliya waxay cagta saartay waddadii guusha iyo saxnaanta ee qof walbow qeybtaada qaado, haddaadan wax qaban Karin dowladda iyo hogaanka u ducee inuu rabbi jidka saxan ku hagaajiyo xantoodana wanaaji.