Soomaaliya oo aan xubin ka ahayn ICC iyo Gudoonkii Baarlamaankooda oo aqoonsaday ICC! Yaab!!

Reading Time: < 1 minute

Sida aaan lawada socono dowlada Soomaaliya weli ma saxiixin heshiiskii Rome ee ICC, welina ma aysan ansixin, oo ay ku jiraan labadaba wax ka beddelka xeerkii Kampala 2010 ee ku saabsan dembiga gardarrada iyo adeegsiga hubka qaarkood ee iska-horimaadyada hubeysan ee aan ahayn dabeecad caalami ah.

Dhanka kale, Soomaaliya  Baarlamaankeeda weli kuma darin sharcigeeda gudaha  Soomaaliya, qeexida xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah bani’aadanimada, dembiyada dagaalka iyo dembiga gardarrada sida ku qeexan heshiiskii Rome, welina kuma darin mabaadi’da guud si ay awood ugu siiso maxkamadaha gudaha inay gutaan mas’uuliyadda koowaad ee ka saaran. in la baaro oo maxkamadeeyo dambiyada ugu culus marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Soomaaliya sidoo kale ma dajinin wax nidaam ah oo ay ICC-da ugala shaqeyso baaritaannada ama dacwooyinka heer caalami, oo ay ku jiraan fulinta waarannada baxsadka ah ee ICC-da.

Hadaba amr hadii ayan Soomaliya qayb ka ahayn maxkamada caalamiga, maxaa keenay in madaxdii Baarlamaanka Soomaaliya ay si toos ah ula xiriiraan ama wadahala la galaan maxkamad aanba Soomaaliya aqoonsanaynin..

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa baahisay in kulan khadka Taleefoonka ay la yeelatay Madaxweynaha maxkamadda Caalamiga ee ICC mudane  Piotr Hofmański.

Sacdiyo ayaa sheegtay in iyada iyo  Mudane Piotr ay  ayaa si gaar ah uga wada hadleen  arimo waxtar leh oo ku saabsan suurtagalnimada xoojinta nidaamka Cadaaladda dembiyada caalamiga ah. Dalkaan halkee loo wadaa? dad aan heel ahayn dowladnimo ayaan a hogaankeeda gacanta ku dhigay?