Somaaliya ayaa kaalinta Labaad waxay ka gashay Dalalka Argagixisaddu ay ugu xoogga badanyihiinee Qaaradda Africa, sida lagu sheegay Warbixin qiimeeyn ah oo uu soo saaray Machadka Nabadda iyo dhaqaalaha ee fadhigiisu yahay Australia.
Dalka Nigeria ayaa kaalintaSedexaad waxaa uu ka galay 138 Wadan oo qiimeeyn lagu sameeay Awoodda argagixiso ee ka jirta, wuxuuna ugu horreeya Dalka Qaaradda Africa ee Argagixisadu ka howl galaan, Aduunyadda dhan waxaa ka horeeya Ciraaq iyoAfgaanistaan.
Soomaaliya waxay hoos uga dhacday Dalal badano ay uga horeeysay liiska Qiimeeynta Awoodda agragixisadda.
Ururka Boko Xaran ee Nigeria ka dagaalama iyo Ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ka mid noqdayAfarta Urur ee dhimashadda ugu badan geeysta.
10-ka Wadan ee Argagixisadu ugu xoogga badanyihiin Qaaradda Africa ayaa waxay kaalimaha u kala heleen.
1 – Nigeria
2 – Somalia
3 – Egypt
4 – Democratic Republic of Congo
5 – Libya
6 – South Sudan
7 – Central African Republic
8 – Cameroon
9 – Sudan
10 – Kenya