DANAB oo Cagta Marisay Taliskii Qaraxyada Alshabaab iyo Howlgallo Qorsheysan oo Bilowday.

Reading Time: 2 minutes

Inkastoo hawlgallada ciidanka XDS, gaar ahaa DANAB  aan wax badan laga sii ogaan Karin ilaa ay fulaan ayaa waxaa hadda soo baxaya Faah-faahino dheeraad ah howl-gallo qorsheysan oo ururka 5-aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB iyo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Waa la hubaa in ciidanka Somaliyeed ay geesiyiin yihiin marka ay niyadooda kor u soo kacdo, waxaana muuqata duraba in ay bilaabeen hawlgallada lagu sifeynayo Al-shabaab.

Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa lagu bur-buriyay taliskii qaraxyada ee kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Beerxaano, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq-dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.

Dowladda MW Xasan sheekh ayaa waxaa ka go’an in muddo gaaban uu dalka isu furmo Alshabaabna ay ku soo haraan meelo yaryar oo ku sii dhuuntaan inta dalka laga saifeynayo.

howl-galkaan oo ad loo qorsheeyey  ayaa waxaa uu ku soo beegamayaa iyadoon uu xafiiska joogay MW Xasan sheekh muddo gaaban.

Hawlgalkaan waxa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyada oo gacanta looga dhigay maadooyinkii ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada isugu jira miinooyinka dhulka la galiyo iyo kuwa dhajiska ee lagu xiro baabuurta iyo guryaha.

MW Xasan sheekh iyo RW Xamza oo la hubo inay isku aragti ka yihiin in dalka laga sifeeyo shabaab ayaa waxay tani u tahay horudhac hawlaha xoreynta ee soo socda. Ciidanka CXDS iyo Nabasugidda qaran her gobol iyo heer federaal ayaa haatan waxay u diyaar yihiin inay golof ka soo bilowda Jubooyinka uu Xamar soo gaaro muddo gaaban.