Soomaaliya iyo Somaliland oo wadahadal uga furmayo magaalada Nairobi

Reading Time: < 1 minute

Sida ay shaacisay hay’adda Humanitarian Dialogue (HD)  waxaa berito ka u frumaya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Somaliland kulan lagu sheegay in uu yahay hordhac h wada-hadallo dhex mari doona xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Somaliland.

Waa markii ugu horeeysay oo Somaliland ay si toos ah wakiilo ugu soo dirsato shir ay kuwada kulmaan Somaliland iyo Soomaaliya. Kulanka ayaa waxa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin matalaya labada dhinac iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, waxaana Somaliland ku matalaya wasiirka Arrimaha debadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol iyo wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar.

Sidoo kale, xukuumadda Soomaaaliya waxaa kulankaasi ku matalaya, agaasimaaha guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade iyo Kaaliyaha agaasimaha Madaxtooyada Cabdisataar Geelle. Dhanka Beesha Caalamka, ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona safiirka Turkiga u qaabilsan wada-hadallada xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland Olgan Bekar, wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo, Danjiraha Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alexander Randos, Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Stuart Brown iyo saraakiil kale.