Soomaaliya iyo Serbia oo ku heshiyay inay sameeystaan xiriir dhaqaale oo cusub

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka dhaqaalaha dalka Serbia Mudane Rade Basta ayaa maanta la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse. Wasiirka ayaa muujiyay sida ay dowladiisa u daneynayso dib u cusboonaysiinta guud ahaan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeyn jiray labada dal kaas oo salka ku haya xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah.

Wasiir Basta ayaa hoosta ka xariiqay in dib u soo kabsashada dhaqaalaha Soomaaliya ay u muhiimsan tahay in ay hesho maalgashiga kheyraadka dalka, waxaa ayna  taasi ay keentay in dalka Serbia  uu Soomaaliya la wadaagi karo aqoonteena iyo khibradeeda dhinacyo kala duwan leh.  Wasiir ayaa sidoo sheegay in ay suuragal ah in dhalinyarada Soomaaliya ay u yimaadaan dalka Serbia  tababar xirfadeed oo heer sare ah.

Xubnihii kulanka ka qeyb galay ayaa isku raacay in isku xirka ganacsatada labada dal ay lagama maarmaan tahay, sidoo kalena la abaabulo madasha ganacsiga ee Serbia iyo Soomaaliya oo ujeedadiisu tahay in la sameeyo iskaashi ganacsi oo la taaban karo.