Soomaaliya iyo Qatar oo kawada hadlaayo xaalada doorasho ee dalka

Reading Time: < 1 minute

Sii-hayaha xilka Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ku sugan Magaalada Dooha ee Caasimadda dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Sheekh khaalid Bin Khaliifa bin C/Caziiz Al Thaani.

Kulanka dhexmaray Wasiir Xundubey iyo Wasiir  Sheekh khaalid Bin Khaliifa ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar ee ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey ayaa waxaa uu ku sheegay in kulan gaar ah uu la qaatay Sheekh khaalid Bin Khaliifa Al Thaani, uuna uga mahadceliyay tageerada Qatar ay la garab taagan Soomaaliya.

“Waxaana aan ka wada hadalnay is kaashiga amniga ee labada dal ee Soomaalia iyo Qatar, anigoo kaga mahadceliyay tageerada dowlada Qatar ay la garab taagantahay shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya” ayuu yiri Xasan Xundubey.

Sii-hayaha xilka Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey iyo wafdi kale oo ka socday dowladda Federaalka ayaa safar shaqo maalmo kahor ku tegay Magaalada Dooha ee Caasimadda dalka Qatar.