Soomaaliland oo war culus kasoo saartay Hadal kasoo yeeray Madaxweyne Deni (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhawaan sheegay inay Miisaaniyad gaar ah u sameyn doonaan xureynta Gobolada Sool iyo Sanaag oo deegaano ka mid ah ay Gacanta ku heyso Soomaaliland

Hayeeshee waxaa hadalkaas jawaab ka bixiyay,isla markaana wax laga xumaado ku tilmaamay mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Puntland,iyaga oo qaarkood sheegay inay iska difaacayaan cid kasta oo kusoo xad gudubta deegaanadooda.

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay inay maqleen hadalkaas,isla markaana Soomaaliland ay diyaar u tahay inay difaacato deegaanadeeda,isla markaana Shacab iyo mas’uuliyiina ay diyaar u yihiin.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Soomaaliland ay marwalba sida ay doonto ka yeelaneyso deegaanada Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay maamulaan,waxaana uu sheegay in Ummadu ay u baahan tahay nabad iyo wada noolaasho laakin aan xabad la isugu hanjabi karin.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!