Soomaaliland oo ka hadashay Ganacsade Axmed Cismaan Geele oo la sheegay in loo jaray Warqad soo qabasho!!

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay saaka xafiiskiisa ayaa beeniyay warar sheegayay in Ganacsade Axmed Cismaan Geele loo jaray warqad soo Qabasho Ah.

Wasiirka ayaa sheegay inaanay jirin wax warqad ah oo soo qabasho ah oo loo qoray ganacsade Axmed Cisman Geele, wararkan la isla dhexmarayaana ay yihiin ayuu yidhi wax lagu dhaawacayo sumcada ganacsadaha

Dhowrkii Maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa la baahinaayay in warqad waaran ah loo jaraayo ganacsade Axmed Cismaan Geele