War saxaafdeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu faah-faahiy ey Nuxurka iyo Ujeedka kulan deg deg ah oo Madaxweynuhu la qaatay xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliland ee Guurtida iyo Golaha Wakiilada iyo Xisbiyada Mucaaradka Maamulkaasi.
Kulanka oo aha mid deg degga ah oo dhacay waqti dambe oo xalay ah aya ujeedka kulanku ahaa sidii mowqif mideysan ay uga qaadan lahaayeen tallaabooyin dowladda Soomaaliya ay kaga soo horjeesaneysay heshiisyada maamulkaas uu la galay shirkadaha Ajaanibta ah oo ay ka mid tahay DP-world.
Falan-qeyn dheer Kadib waxaa la isku raacay in arinta ka hadalkeeda iyo go’aanka ugu dambeeya ee Soomaaliland ay kaga fal celineyso tillaabada dowladda Soomaaliya qaadday looga dambeeyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Goobta ay munaasabadda ka dhacay waxaa xaadir ku ahaa Guddoomiyayaasha Golaha wakiilada,Guurtida iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID,waxaana kulankan ka cudur-daartay hoggaamiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Ciiro.
Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ayaa wali isku khilaafsan heshiisyo DP-world ay la gashay Soomaaliland oo ku saabsan qaybsiga qeyraadka dekadda Magaalada Berbera.