Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kaga hadlay 34 shaqaale oo ka tirsan maamulka Hawada oo maanta loo soo wareejiyey magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka shaqeyn jiray xafiiska Nairobi
Waxa uu tilmaamay wasiirka shaqaalahan ay Nairobi ku shaqeynayeen tan iyo sanadkii 1993-kii, haatanna ay Muqdisho si rasmi ah ugu shaqeyn doonaan.
Maamulka Hawada ayuu sheegay in sidoo kale weli laga sii maamuli doono magaalada Nairobi inta ay xarumo kale ka dhisayaan gudaha dalka, si haddii meel ay wax ku yimaadaan meesha kale usii shaqeyso.
Dhanka kale, wasiirka ayaa tilmaamay in ay jiraan arday u diiwaangishan si tababar loogu soo siiyo qalabka maamulka hawada, ka wasaarad ahaanna ay dedaal badan bixinayaan.
Sidoo kale,Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ayaa soo hadal qaaday maamulka Somaliland oo dood ka qabtay maamulka hawada,wuxuuna sheegay in Somaliland ay tahay maamul ka tirsan maamulada dalka,islamarkaana awood u lahayn iney Hawo maamusho.