Soomaalida oo Sanadkaan ku Xajineeysa $3,300 ka dib Dood dheer oo ka dhalatay!!!

Reading Time: < 1 minute

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qiimaha sanadkan lagu tegayo Xajka, kadib muran ka taagnaa adeegga xajka iyo shirkado gaara oo muddo dheer heystay.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sanadkan qiimaha xajka noqon doono $3,300 (Saddex kun, sadex boqol Doolar) oo ay ku jiraan dhammaan adeegyada xajka kala duwan sida degaanka, Gaadiidka, Nolosha 6-da maalmood xajka, Fiisaha, Diyaaradda duulimaadka sii socod iyo soo socod iyo qarashaadka adeegyada kale.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale ka hadashay in arrintaas ay heshiis kala gaartay Shan shirkadood oo kala ah:

  1. Shirkadda Daalo Airlines
  2. Shirkadda Jubba Airways
  3. Shirkadda Ocean Airways
  4. Shirkadda African Express
  5. Shirkadda Freedom Airlines

Waxa la caddeeyay in Soo saaridda viisooyinka xajka ay mas’uuliyadeeda leedahay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyada oo heshiis arrintaas kala saxiixan doonto shirkadaha

Shirkadaha aaa lagu wargeliyay in ay la soo xiriiraan wasaaradda laga bilaabo 16-5, 2018-21-05-2018, iyada oo ciddii ka dib dhacdo laga qaadan doono go’aan ku haboon.

Lama oga sida go’aankan u dhaqan geli doono, inkastoo aan wax badan laga dhimin qiimaja xajka, haddana shirkadda Jubba oo hore u heysatay Xajka iyadoo qeyb ka siisa Shirkadda kale ee Daallo oo ay mar midoobeen ayaan la ogeyn sida ay uga jawaab celin doonto arrintan.