Soomaalida Ku Dhaqan Magaalada Mombasa oo Sameynaya Musharax u Tartamaya Gudomiyaha Magaaladaasi

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Bulshada Soomaalida ee Mombasa ayaa sameeyay guddi ka shaqeeya sameynta Musharax ku matala dorashada 2022ka ee ka dhaceysa dalkaasi,waxa ayna arrintaas u soo saareyn musharrax.

Ujeedada ay ka leeyihiin musharraxaas ayaa lagu sheegay in marka hore uu ka shaqeeyo danaha Soomaalida sidoo kalena uu noqdo guddoomiyihii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ay yeelato Magaalada Mombasa.

Waxaa hadda socda kulamo guddigaas ay ku raadinayaan sidii ay ku dooran lahaayeen hal musharrax oo ay wada taageeraan si uu ugu tartamo maamulka Magaalada Mombasa gaar ahaan guddoomiyaha Magaaladaasi.

Waa markii ugu horreysay oo Dadka Soomaalida ah ee ku nool magaaladaas ay isku dayaan hami siyaasadeed ay ku maamulayaan Magaalada Mombasa oo ah magaalo ay ku badanyihiin Muslimiin asalkooda Carab ah .