Madaxweynaha dalka Kenya Ruto ayaa wiil uu dhalay Yuusuf Xaaji u sharaxay agaasimaha hay’adda Sirdoonka Kenya ee NIS. Niuridiin Yusuf Xaaji oo loo sharaxay xilka agaasimaha NIS ayaa noqonaya Soomaaligi ugu horreeyey ee xilkaas qabta haddii Baarlamaanka Kenya ansixiyo. Nuurudiin ayaa bedeli doona Philip oo xilkaan soo haayey tan iyo 2014.
Waxaa horay arimaha amniga dalka Kenya gacanta ugu haayay sadax shaqsi oo dhamaantoodba ka soo jeeda Soomaalida degta dalka Kenya. Waxaa hada gabi ahaanba amniga dalka Kenya loo dhiibay Soomaalida sida; sirdoonka, gaashaandhiga, qeybaha amniga gudaha iyo danbi baarista.