Soomaali badan oo la sheegay inay ku dhinteen dhulgariirkii Turkiga

Reading Time: < 1 minute

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dhulgariirkii ku dhuftay dalka Turkiga halkaa oo Soomaali badan ay ku noo shahay.

Dadka Soomaalida ah oo ku noolaa dalkaas oo Arday iyo Ganacsata isugu jira iyada ayaa qaarkood shalay la helay meydadka laba ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee wax ka baranaysay Turkiga.

C/kariim Nuur Cusmaan oo ay walaalo yihiin mid ka mid ah labaasi wiil ayaa sheegay in Walaalkiis Maxamed uu ahaa Arday waxka bartay dalka Turkiga, balse fasax isaga oo kujira uu rag saaxiibadiis ah booqasho ugu tegay goobta uu dhul gariirka, isla markaana uu ku dumay dabaq ay daganaayeen.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay jiraan dad kale oo kaga baadi goobayo burburka dhismayaasha hoostiisa, kuwaas oo qaarkood Soomaali yihiin, isla markaana xaaladu ay tahay mid cakiran.

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay burburka dhulkariirka Turkiga ayaa kor u dhaafa ilaa 5 qof.