Soomaali xil wasiirnimo ka helay Mareeykanka (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha gobolka Minnisoto ee dalka Mareykanka ayaa Muwaadin Soomaaliyeed u Magacaabay in uu noqdo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Shaqaallaha iyo Kobcinta dhaqaallaha ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Xamza Warfaa ayaa ku guuleystay xilkaan ka dib markii uu dadaal badan sameeyay intii uu kunoolaa dalka Mareykanka, waxaana xilkaan ay sheegeen in uu muhiim u yahay Soomaalida kunool dalka Mareykanka.

Xamze Warfaa oo guushiisa kadib la hadlay Warbaahinta waxaa uu sheegay in ay farxad galin doonto tilaabaddan, islamarkaana uu waxbadan u qaban doono Bulshada degaanka.

Xamsa Warfaa oo ka mid ah shaqsiyaadka u dhaqdhaqaaqa Arimaha Bulshada ayaa sidoo kale  noqday qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee la siiyo Abaal marinta sanadlaha ah oo ay bixiyaan Hay’adaha deeqaha bixiya ee gobalka Minnesota Sanadkii 2018-ka