Dalka Koonfur Afrika ganacsade Somaliyed, ayaa lagu gubay goobtiisa ganacsiga, kadib markii Burcad madow ah ay dab qabadsiiyeen goobtiisa ganacsiga.
Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Newlands ee KwaZulu-Natal, ee dalka Koofur Afrika, sida ay xaqiijiyeen Warbaahinta dalkaasi.
Dukaanlaha Soomaaliga ah ayaa waxa uu jiifay dukaankiisa oo ka sameysan Kunteenar, waxaana dab qabadsiiyay dad aan la arag oo durba ka baxsaday goobta.
Nonhle Phiri‚ oo ah gabar daris la ahayd dukaanka ayaa sheegtay in ay banaanka u soo baxday kaddibna aragtay qiic badan oo ka baxaya Kunteenarka.
Waxa ay sheegtay in ninka Dukaanlaha ee Soomaaliga ah uu jiifay xilliga la gubaayay, waxa ay intaas ku dartay in furayaasha Kunteenarka uu waayay, sidaasna muddo dabka ku gaaray.
Nonhle Phiri‚ ayaa sheegtay in goor dambe uu helay furaha kuna guuleystay in uu banaanka u soo boxo iyada oo ay dhibeyso neefta korkiisana Holac haystay.
Haweeneydan ayaa sheegtay in ay biyo ku shubayeen intii uu dabka socday, markii uu banaanka u soo baxayna ay Isbitaalka geeyeen.
Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dalka Koofur Afrika ka socday olole ka dhan ah dadka Ajaanibta ah ee Soomaalida ay ka mid tahay.