Soomaali Ku Xirned Xabsi Ku Yaala Dalka Yaman oo La Sii daayay

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Cadan ee dalka yaman waxa laga sii daayay 19 Qof oo Soomaali ah kaddib markii lagu xiray Degmada Bureeqa ee Cadan ka tirsan dhowr bilood ka hor.

Siideynya Soomaalida ku xir xirneyd Yemen ayaa la xaqiijiyay in siideyntooda uu ka qeybqaatay Danjiraha Soomaaliya ee Yemen Cabdullahi Xaashi Shuuriye
Dadkan ayaa lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah ku galeen Dalka Yemen islamarkaana eedahaas loogu xiray Magaalada Cadan ee Koofurta Dalka Yemen.

Taariq Maxamed Saalim,oo ah wakiilka uu danjiraha u xilsaaray siideynta Maxaabiista Soomaalida ee Yemen ayaa sheegay in dadaal dheer kaddib ay ku guuleysteen in ay xabsiga Degmada Bureeqa ka siidaayaan 19 ka Qof ee Soomaalida ah.

Dadkan waxaa ay ku suganyihiin Magaalada Cadan hadda,waxaana socota qorshe ay Dowladda Soomaaliya dib ugu soo celineyso Soomaalida ku jirta Xabsiyada Dalka Yemen.