Soomaali ku geeriyootay weerar lagu qaaday Masjid ku yaala New Zealand

Saddex ruux oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen weerar qof hubeysan uu ku qaada Masjid lagu magacaabo Al-Nur oo ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

MOL oo si dhaw ula socotay dhacdadan ayaa heshay magacyada qaar ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ku geeriyooday weerarka Masjidka lagu qaaday waxaana ka mid ah : Sheekh Muuse Nuur Cawaale oo la sheegay in uu ahaa Macalin Dugsi, Sheekh Cabduqaadir oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaalladii Biyaha ee Soomaaliya iyo waliba Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ah wiil Lix sano jir ah, sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay Aabihii Aadan Diiriye.

Jameecada Masjidka ayaa xiliga uu weerarku dhacayay waxaa ay u fadhiyeen Salaada Jimcaha, waxaana ay mar kaliya maqleen dhawaqa rasaasta uu adeegsanayay shaqsiga weerarka geystay.

Booliiska kuma uusan guuleysan in uu qabto qofka weerarka ku qaaday Masjidka oo la sheegay in uu siweyn uga soo horjeedo soo galootiga.