Soomaali dhimasho & dhaawac ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay dalka K.A

Reading Time: < 1 minute

Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku geeriyootay halka 32 kalana ay ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay wadada N2 gaar ahaan inta u dhexeeysa deegaanka N2 near Dana Bay, Mossel Bay lee Garden ee Gobolka Western Cape ee dalka Koonfur Afrika, waxaana dadka ku dhintay kamid ah Hooyo Soomaaliyeed.

Shilka ayaa waxa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo ahaa kuwo siday rakaab aad u farabadan, waxaana Hooyada Soomaaliyeed oo Shilka ku geeriyootay oo lagu Magacaabi jiray Raxmo Cismaan Dhicisow ay ifka kaga tagtay gabar yar oo ay dhashay.

Qaar kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu shilka ka dhacay ayaa dadka u gurmaday, iyada oo dadka Shilkaasi ku dhaawacmay ay Soomaali kamid yihiin, waxaana ay u socdeen magaaloyin kale oo katirsan dalka Koonfur Afrika.