Soomaali Amerikan oo mudo kadib dib xuriyadiisa u helay

Reading Time: < 1 minute

Xakimiin heer Federaal ah ayaa xabsiga kasii daayay soo gelooti Soomaali ah oo mudo Saagaal bilood ah bilaa Maxkamadeyn ku xirnaa xabsiga Strafford County Jail ee Dalkaasi Mareykanka.

Ninka xabsiga laga siidaayay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiqani Feysal Xuseen waxaana loo xiray oo uu xabsiga ku muteysatay in lagaga shakiyay in dalkaasi uu sharci la’aan uu joogay taasi oo ugu dambeyntii la ogaaday in sifo sharci ah uu ku joogo dalkaasi waxaana ay sii deyntiisa timaaday kadib markii ay u doodeyn ururka u dhaq dhaqaaqa xuquuqda muwaadiniinta Mareykanka ee ACLU loo soo gaabiyo.

Cabdiqani ayaa sida lagu ogaaday baaritaan hordhac ah oo la sameeyay waxa uu dalkaasi Mareykanka qaxoooti ahaan uu ku galay 1996 waxaana xigtay in la siiyay Green Card-ka ama sharciga weyn ee dalkaasi Mareykanka.

In uu xabsiga mudo Sagaal bilood ah uu ku jiro sahasahay in uu horaan xabsi usoo galay sanadkii 2002 xiligaasi oo uu Wade ka ahaa gaari Trailer ah oo ka shaqeyn jiray Gobolka Portland, iyadoo lagu qabtay Khaad (Jaad) oo uu cunaayay, taasi oo mamnuuc ka aheyd daroowalada gawaarida waaweyn in ay isticmaalaan maandooriye nuuc kasta oo uu ahaado.

Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka cabsi qaba in Muwaadiniin kale ay sidaan oo kale xabsiyada dalka Mareykanka ugu jiraan sifo sharci daro ah.