Soomaali & Ajaaniib oo ka tirsan Al Shabaab oo maxkamad la soo taagtay

Reading Time: < 1 minute

Puntland ayaa talaadadii bilowday maxkamadeynta rag ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin argagixisada Al-shabaab. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xarunteeda Boosaaso ayaa la hor-keenay eedaysanayaasha oo isu-gu jira Soomaali iyo ajaanib.

Eedaysanayaasha qaarkood ayaa fadhiga maxkamadda ka hor qirtay in ay la shaqeeyeen Al-shabaab islamarkaana cabsi gelin u geysay. Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale eedda kala noqotay qaar kale oo wax caddayn ah lagu waayay.

Intaas kadib dhegeysiga dacwadda ayaa xirmay waxaana lagu ballamay fadhiga xiga oo la sugayo go’aanka maxkamadda.