Barta Twitterka ay ku leeyihiin Booliska dalka Kenya ayey soo dhigeen sawirada rag ilaa saddax ah oo ay ku tuhmayaan in ay ku lug leeyihiin amaba ay ka dambeeyaan falkii dhawaan lagu af-duubtay haweeneey u dhalatay dalka Taliyaaniga oo howlo gargaar u joogtay dalkaasi.
Kol sii horeysay ayey koox hubeysan oo lix ruux ka koobnaa oo Somali iyo Kenyan isugu jiro sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah iyo Booliska dalkaasi Kenya ayaa waxa ay Gobol xeebeedka koonfurta Kenya ee Kilifi ka af-duubteyn Silvia Costanza Romano,oo 23 jir ah, waxa ayna rasaaseeyeen dadka goobtaasi ka ag dhawaa oo caruur iyo haween kalaba isugu jiray.
Iyadoo wixii intaasi ka dambeeyay Booliska Kenya ay sheegeen in ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay af-duubkaasi ayna dhawaan ku guuleysan doonaan soo qabashadooda.
Ragaan saddaxda ah oo ay Boolisku Kenya sawiradoodu shaaciyeen ayey magacyadooda ku sheegeen in ay kala yihiin Ibrahim Aadan Cumar, Yuusuf Kuno Aadan iyo Saacid Aadan Cabdi, waxa ayna dul dhigeen dhacag $9,750 oo ay siin doonaan cidii Booliska kusoo wargelisaa xogta ragaasi iyo halka laga heli karo.
Af-duubkaani ilaa iyo haatan ma jirto koox gaar ah oo lala xiriirinaayo ama sheegatay inkastoo dadka qaar ay ku tuhmayaan in Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya ay ku lug leeyihiin maadama raga sawiradooda la shaaciyey ay Soomaali ka midyihiin.