Xamar wuxuu magan u ahaa xanuunka iyo naxariisdarada Qaraxyada iyo canshuuraha arxanka daran ee ay NN, Shabaab iyo Daacish isu kaashanayeen, taas hadda waxaa ku soo biiray magaalooyinka Baladweyne, Boosaaso iyo Kismayo oo qaraxyadii la geeyey.
Wali inta aan istaagnay ma is weydiinnay Maxaa naloo qarxinaya? Runtii yaa na qarxinaya? Fekerkan xagjirka ah, madaxdaan tuugada ah ee fekerka ku adeeganeysa, culimadaan fekerkan u qiildayeysa miyaananay mudneyd inaan hello hogaamiye noo mideeya inaan meel uga soo wada jeesanno, kaas oo dareemi kara xanuunkeenna lehna garashadeeda iyo fahamkeeda.
Waxaa laga yaaba inay qofba meel ku dhufato jawaabaha su’aalahan sababtoo ah waxaa nagu adag in aan helno madax cadowga noo tilmaami karta kadibna sida aan uga adkaan lahayn nagu hogaamisa, haddey jirtana waxaan isha uga duwnaa inaan taageerno tuug ama wax ma tare keenna ah oo aan xaaladda waxba ka badali karin inuu uga daro mooyee.
Madaxnimada maaha oo kaliya inaad joogto xafiiska ay madaxda fadhiisato ee waa inaad fahmeysid masuuliyadda ay la imaneyso hogaaminta taas oo dusha ka fuuleysa qofkasta ee noqda hogaamiye, waxaana laga rabaa inuu dadka u hogaamiyo inuu mugdiga ka saaro oo uu tuso cadowgooda sida Nabiyadii oo lagu amri jiray inay umadaha mugdiga ka saaraan., kuna daydo raadkooda oo ah tusaale la amray in la raaco.
Dadaalka dhinac walba ah ee ay ku bixiyaan madaxdeenna magac u yaalka ah sidii ay madax ku noqon lahaayeen, kuma bixiyaan markay madax noqdaan sidey u maamuli lahaayeen ama taariikh wanaagsan uga tagi lahaayeen. Markaan waxay nala tahay in la soo gaaray xelligii aan u nistaagi lahayn in aan xoreyno dalkeenna oo hadda ku jira gacmo gumeysi oo nooc cusub ah sida:
1- Siyaasiyiin hunguri doon ah oo aan u jeedin wax aan ka hayn inay wax dhacaan, kuna gaaraan xafiis wax laga dhici karo si kasta- Dhac, dilalal qorsheysan, Qarxin, boob, been, xaraashka xoolaha umaadda ka dhaxeeya iyo wax ka sii xun.
2-Culimo Rabbi iyo Rasuulba ka furtay oo banneynaya ama uga aamusaya danahooda joojinta koox ay middiyihii ay nagu qali lahaayeen noogu dhiibeen una akhriyey aayado quraanka ka mid ah oo xaalado gaar ah ku soo dagay balsa halkaan la qabadsiiyey.
3- Beel caalam oo nolshooda ay ku xeran tahay is dilkeenna iyo inaan is xukumi la’anahay.
Waxaan maqalnay hogaamiye leh seddex sifo ayaa nala ku sheegaa:
1- Inaan isxukumi karin-Fowdo
2- Inaan is ammaan gelin karin- Dilal, Qaraxyo iyo is dhac.
3- Inaan is quidin karin-Abaaro
Hadalkaan waa mid xigmad badan waayo madaxdeenna maba oga waxa aan ku suganahay iyo waxa na laka aaminsan yahay oo waa kuwa qaarkood ina leh maanta ayuu dalka ugu fiican yahay, iyadoo aan seddexdaano caalo aan ku sugan nahay.
Ila aiyo hadda ciidamo ayuu dhisay Farmajo ayaa dad ku doodaan aaway ciidanka aan hal KM ammaan a dhigi Karin mushaarna iska qaata. Ceelgaabta ayaa loo soo joogsaday Madaxtooyada waasa haddaan hawsha la isla wadin iyo Farmajo oo qol mugdi ah ku xeran loona sheego inuu dalku yahay janno yar oo uu isaga sameeyey.
Mar waliba waxaa nagu soo dhacda kalmaddii uu ka tagay ahn MW Aden Cadde “ Somalida Raggeeda ha kala barato”.