Dadka ay da’dooda ku sintay markii ay arkaa Twitter kan oo uu shalay Soo diray MW farmajo waxay xusuusanayaan hadalladii Maxamed Siyaad oo iyadoo January 1991 uu ku lahaa dalka waa barwaaqo ee beeraha hala fasho iyadoo jabhadaha ay qorilow iyo Kaaraan ka qabaadeen dawladda Xamar oo dhanna xabadaha laga maqlayo.
Waxaa muuqata In Madaxweynaha oo mooshinkiisa miiska saaran yahay inuu ka beensheego hadalka IMF tiri isagoo iska dhigayo inay dowladiisu wax wanaagsan sameysay.
Dawladdu wax wanaagsan iska dhaafe wixii loo dhiibay ayey kala daadisay kalana lumisay . Waxa ugu darranna waa sarreynta sharcigii ay dawlad ku ahayd ayey geed dheer ku laashay.
Xusuuso akhriste:
1-Warbixintii Guddiga Maaliyadda oo ay ku caddeyd In malaayiin maqan tahay $42, malaayiin kalana la maamul xumeeyey.
2-K/Galbeed oo dabka saaran oo ay dawladdu dad ku dhishay
3-Guddoomiyihii golaha shacbiga oo gurigiisa lagu xeray.
Iyadoo intaan in ka badan oo xun ay dhacayaan ayuu MW Farmajo leeyahay waxaan qabbanay shaqo fiican.
Tan kale, MW Farmajo Ma akhrin miyaa warbixinta IMF iyo sida ay IMF isaga beri yeeshay waxa warbixinta ku qoran. Hay’adda iyadoo masuuliyadda iska fogeyneysa bal haddana daneysaneysa waxay tiri “waa warkii ay dawladda Federaalka noo sheegtay”.
Haddaba Xamar oo saaka baqdin iyo kala shaki laciireyso ninka waxbaa qaban doonaa ku leh iyo dawlad ayaa jirta wax qabatay waxay aad u xusuusineysaa markii Maxamed Siyaad oo gantaallo Xamar ku garaacaya uu lahaa dalku waa nabad oo koox yar oo nabad diid ayaa wax ku dheeleysa.
MOL waxay muddo sannad ku dhow lahayd dalku wuxuu gaari doonaa meel meeshaan ka xun, walina waxaan ku talineynaa in MW Farmajo iska casilo xilka si dawlad qaran oo badbaado ah loo soo dhiso. Dhinaca kale mucaaridka waxay MOL kula talineysaa inay is dajiyaan oo aysan ka jawaabin falalka gurracan ee ay xukuumadda Kheyrre ku kaceyso sida in la toogto gabar wax iska duubaneysa, dad soo bannaanbaxay si nabad ah iyo xildhibaanno la jir dilo ma la qorqabto. Waan oganahay waa ku tumasho distuurka iyo ku takrifal awoodeed oo doqonnimo ah waana la isaga daba imanayaa haddii rabbi idmo.