Waxaa muuqata inaan Somaliya xoog lagu kala adkaan Karin ee ay ku san tahay walaalow iyo walaalow, taas oo iyada lafteeda u baahan in la helo hogaamiye yaqaanna sida xubnaha la isu saaro. Qofka afartaan Sano ee soo socotaa dalka inuu hogaamiyo loo baahan yahay waa qof leh sifooyinka soo socda:
- Hogaamiye yaqaanna waxa ka hallaabay dalka, halka ay ka hallaabeen fekerna ka haysta sida loo sixi karo, kaas oo maanka ku haya halka laga yimid iyo in si sahal ah loogu noqon karo haddii aan la helin caqli looga baxo.
- Hogaamiye yaqaanna sidii la isu waafajin lahaa danaha dalka iyo Dadka Somaliyeed iyo beesha caalamka oo iyada na taageerta dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo ammaan ahaan, iyadoon wax loo dhimeyn sumcadda iyo jiritaanka qaranimada dalka.
- Hogaamiye yaqaanna sida uu u shaqeeyo dhaqanka iyo qabiilka loona ilaalin lahaa isu soo dhaweynta beelaha Somaliyeed, waayo lagama boodi karo, iyadoo si aan xanaf lahayn loo saxayo ismaandhaafka ay duruufuhu keeneen, si daacad ahna dib loogu amaqaadayo wadahalladii joogsaday 5 sano ka hor ee walaalaha Somaliland.
- Hogaamiye Yaqaanna sida ay siyaasad Juqoraafiyeedka Gobolka ay u shaqeyso loona ilaalin lahaa danaha dalkeenna iyadoon cadow la sameysan, isla markaana loo dareensiin lahaa Dowlad Goboleedyada inay yihiin qeyb muhiim ah oo uu dalku ku taagan yahay, waddamada deriska iyo caalaamka kalana loola noolan lahaa.
Iyadoo intaas maanka lagu hayo, maanta shacbiga Somaliyeed, xildhibaanada barlamanka soo socdaa iyo guud ahaan beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Somaliya waa inay ku dhiirradaan inay runta wajiga saaraan oo ay u hawlgalaan inuu hogaanka soo socdaa laga shaqeeyo inuu noqdo shakhsi leh tilmaamahan aan soo sheegnay waayo dalkaan ma badbaadi karo haddii la yiraahdo ciddii soo baxda ayaan la shaqeyneynaa.
Waxaa jira kooxo badan oo sida Farmajo dalka aan war u hayn boogihiisa iyo sida loo dhayayo, sida la isugu wadayo iyo tansulka weyn ee looga baahan yahay hogaamiyaha soo socda. Qabka, isla weynida, aniga kaliyaa waddani ah iyo anigaa aqaan waa tan hadda halkaan na dhigtay waxaa loo baahan yahay hogaamiye daacad ah, deggan, dareensan xanuunka ummaddaan haya oo laga dheehan karo inuu beer jileecayo.
Waxaa jira kooxo badan oo leh anigaa dalka barwaaqo geynaya laakiin aan la hayn wax khibrad ah oo hogaamineed, mid siyasadeed, iyo mid sabar oo qobkooda ayaa ka weyn iyagoo ku leh waxaan iyo waxaan ayaan sameyn doonaa iyagoo aysan jirin tijaabo ay soo mareen iyo wax cad cad oo lagu eegi karo.
Qaarkood waxay ku faanaan hay’ado caalami ah oo habeysan oo lahaa hannaan habeysan oo aan lagaa leexan Karin, iyaguna ay ku khasbanayeen markii ay halkaas joogeen waayo hannaanka dhisan (system) isagaa kuu diidaya inaad ka baxdo jidka la qorsheeyey waana sababta ay McDonald isugu mid tahay cuntadeeda dunida meelkasta oo ay ku taallo Australiya ilaa Canada.
Laakiin hogaamiyaha isaga ayaa laga rabaa inuu jidka jeexdo oo la yimaado hannaan ay dadka ka wada qeyb gali karaan, sida muuqatana nama anfacayo hannaan laga soo minguuriyey umado naga dhaqan duwan.
Haddaba dalka waxaa jooga hogaamiyeyaal si fiican u fahamsan waxa khaldan, kuwaas oo qaarkood horay u soo shaqeeyey lehna khibrad dib u heshiisiin iyo mid shaqo, isla markaana dalka joogay weligood ilaa maanta oo xataa marqaati nool ka ahaa wixii dhacayey 5 sano ee la soo dhaafay oo ay ciyaarta bannaanka ka daawanayeen.
Ma lumin karno afar sano oo kale, mana geli dagaal siyaasadeed cusub ookale, kumą sirmi karno sida Beenta Farmajo oo ay cid waliba hadda ay ka dheregsan tahay. Marka maanta dalka ha loo hiilliyo, khalad maaha inaan runta wajahno oo aynu wax u dhiibbanno qof aan naqaanno oo dadka dhex dhiga dib u heshiisiin kana shaqeeyey hawlaha dowladnimo.
W/Q Cabdirashiid Maxamed Xirsi