Somaliya Saaka Waxaa u Baryey Waa Cusub: Doorasho Qof iyo Cod Juun 2024.

Reading Time: 3 minutes

Dad badani  waxay ku taamayeen maalin uun ma u codeyn karaan hogaamiyayaashooda siyaasadda iyadoo dalku uu deggan yahay. Haddaba waxaa muuqata inay fursadaas bannaanka u iman karto  dadkaas muddada dheer sugayey dhammaadka sannadka soo socda inteenna uu rabbi ku simo.

Go’aamada taariikhi ah ee ay xalay qalinka ku duugeen Golaha wadatashiga Qaran (GWQ) waxaa uu muujinayaa in dalkeenna iyo madaxdeennuba ay koreeen oo ay qaateen masuuliyadooda si geesinimo leh.

Mid ka mid ah ragga loogu noqdo aqoonta dimplomasiyadda iyo hogaaminta oo boqol jirsaday shalay Dr Henrey Kissinger ayaa buggiisa Leadership (Hogaaminta) ku qoray erayadaan oo  aan soo xusuustay saaka markii aan qakhriyey qoraaladda ka soo baxay GWQ

… hoggaan ayaa loo baahan yahay si dadka looga caawiyo inay ka dhaqaaqaan meesha ay joogaan oo ay gaaraan meel aysan waligood gaaarin.”

Qoraalkaan waxaa ka muuqata inay mar waliba madaxda wanaagsani ay Khasab tahay inay qaataan go’aamo kharaar oo xataa aysan dad badan jecleysan ama fahmi Karin ilaa ay mira dhalaan.

Dhinaca kale, waxaa na haysa cabsi ah inaan guuldareysanno, waana caado lagu yaqaanno isbadallada iyo u dhaqaaqidda meel aan horay loo arag.

Madaxda dalka hogaamisaa oo mar waliba talawadaag wax ku waddaa waxay qaateen tallaabo geesinimo leh oo dantooda ayey tan u daayeen.

Dadka qaar ayaa maanta dhaliilaya in go’aamadaan la qaatay oo ay xataa ku jiraa rag R/Wasaarayaal dalkaan ka soo noqday laakiin waxaa la arki doona  Juun 2024 iyagoo arkaya shacbiga oo  la ilmeynayaa marka ay sanduuqa codeynta u dhaqaaqaan.

Haddaba si looga mira dhaliyo waxaa muhiim ah:

  1. Dowladda FS iyo Dowlad-Goboleedyada in lagu taageero hawsha ballaaran ee laga rabo inay sii qabtaan.
  2. In golaha Shacbiga iyo Xildhibaanadda lagu cadaadiyo inay dedejiyaan waxa looga baahan yahay si dalku u aado qof oyo cod.
  3. In la joojiyo erayada iyo eedaha doc faruurka ah ee na daahin kara oo ay madaxdii aaminaan inay jiraan fursado ay heli karaan.

Waa dhab in ay soo bixi doonaan dad ciddiyaha ku dagallaama oo Somali iyo ajnabiba leh si dalka loogu hayo meesha gacan hoorsiga ah ee uu joogo marka ay tooda ka dhex arki waayaan, hasa yeeshee rabitaanka shacbiga lama hor istaagi karo haddii ay gartaan awoodooda iyo dantooda ay ku jirto horumarka dalkaan iyo doorsho xor ah iyo xalaal ah.

Cidna kuma doodeyso inay yihiin tallaabooyinka qorsheysan kuwa fudud oo waxay yeelanayaa xanuun iyo culeys muddada dhow, hasa yeeshee waxay noqonayaan guulo lagu farxo muddada dheer.

Shalay dad badan ayaa hambalyeynayey doorashada Puntland waana Ilahay mahaddiis haddi aysan wax carqalad ahi ka iman taas oo waxgarad badani ka cabsanayeen, maanta oo qaranka oo dhan loo asteeyey maalin doorasho aaway dadkii shalay hambalyada firdhinayey misa doorashada qof iyo cod hal degaan ayey ku haboon tahay?

Haddii ay sidey tahay u hiragsho siyaasaddaan cusub oo ay qaateen GWQ waxaa la hubaa inay Somaliya:

  1. dib u midoobi doonto oo degaan waliba uu dooran doono madaxdiisa, cuqadaha waa la ii taliyaa iyo aniga ayaa goonni leh waa naga dhamaaneysaa.
  2. Noqon doonto dal loo sinaan doono kheyraadka dalka oo qof waliba uu xaqiisa qarankan barwaqada ah ka heli
  3. In dalku uu heli doono siyaasad deggan kadibna Maalgashi dibadda ka yimaada.
  4. In la soo saari doono kheyraad faraha badan ee dalkaan ka buuxa oo muddo dhow aynu noolaan doonno inteenna nool nolol aad uga wanaagsan tan maanta.
  5. In ruuxa dhaalinta yar ee waxbartaa uu heli doono fursad uu shaqo fiican dalka uga helo, reer ku yeesho kana qeyb galo hogaaminta iyo jihaynta dalka.

Haddaba dhaallinyarada waa inay ku mintidaa in qorshayashaan ay u fulaan sida ay u qoran yihiin si talada ay uga soo wareegto kuwa xooga iyo dhaqaallaha ku haysto.

Isku soo duub Somaliya waxaa uu baryey waacusub oo u baahan in lagu dheago oo laga mira dhaliyo.