Somaliya oo Markale ay Mareykanka  kala Tashanayo Arrimaha Geeska Afrika.

Reading Time: 2 minutes

Ifafaale aad qurux badan ayaa ka soo muuqda  booqashooyinka MW Xasan Sheekh ee uu kala bixinayo dalalka caalamaka ee Somaliya ay danaha ugu xeran yihiin. Waxaa ugu dambeeyey Iskaashiga Mareykanka iyo Somaliya oo markale soo nuuraya una muuqda mid qaatay karaar xoog leh. Taasina waxaa laga fahmi karaa in siyaasadda Arrimaha dibada ee Somaliya ay ku socoto hawli degdeg ah oo dhinaca horumarka ah iyo jid toosan.

War ka soo baxay Xaruunta weyn ee looga taliyo ciidamada malaayiinta Mareykanka ee Pentagon oo aan madax badan lagu casuumin ayaa waxaa lagu Casuumay MW Xasan Sheekh, xataa MW Farmajo oo dhalashada Mareykanka haystay laguma casuumin 5tii sano ee uu dalka ka talinayey.

Qoraal muhiim oo ka soo baxay Pentagon ayaa waxaa uu u qornaa sidaa:

“Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin III ayaa maanta xarunta Pentagon-ka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxdu waxay ka wadahadleen shaqada uu maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ka qabtay ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata ee ka jira Soomaaliya iyo sidii ay Waaxda difaaca u garab istaagi lahayd ciidamada ammaanka Soomaaliya. Labada dhinac waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan aragtida amni ee Geeska Afrika marka loo eego xaaladaha cimilada, arrimaha bini’aadantinimada, colaadaha, iyo khatarta xagjirnimada gacan ka hadalka ah.

Xoghaye Austin ayaa xaqiijiyay sida ay Waaxda uga go’an tahay ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh inuu martigeliyo ciidamada Mareykanka. Wuxuu ku bogaadiyay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh dib u dhiska ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo sida uu ula macaamilayo saaxiibada Mareykanka iyo kuwa caalamiga ah. Labaduba waxay rajaynayaan inay sii horumariyaan xiriirka difaaca laba geesoodka ah”

Qoraalkan ayaa muujinaya sida Somaliya ay markale saaxadda Siyaasadda iyo muhimadda dunida ugu soo noqotay iyadoo hadda ah dal lagala tashanayo waxyaabaha ka dhacaya geeska Afrika, waqtiga uu talada hayey MW Xsans sheekh uu yahay 125 maalmood oo kaliya, taas oo muujineysa xawlia soo kabashada oo aad u degdegaya inuu socdo.

MW Xasan Sheekh waxaa uu muuddo yar ku badalay wejigii xumaaa ee Somaliya oo xerada mugdiga ah kula jiray Erateriya iyo Itoobiya, iyadoo Itoobiya lafteeda ay hadda fahamtay inay Somaliya iyo Itoobiya ay isku dan yihiin, kadib markii uu talada la wareegay MW Xasan Sheekh. Kulankii koobnaa eek u dhexmaray Nayrobi RW Abiyo iyo MW Xasan ee Caleemasaarkii MW Ruto waxaa uu muujiyey baahida weyn ee ay labada dal u qabaan inay iska kaashadaan arrimo badan oo ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda ku saabsan.

Waxaana muuqata in MW Xasan Sheekh lala soo qaadayo Xaalka Geeska Afrika marka uu la kulmayo Xogaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin, waana guul hor leh oo dalka u soo hoyatay.