Ilaa iyo hadda dowladda NN kalama hadlin dowladda Kenya dhaqangelinta xukunkii maxkamadda caddaladda ee xadeynta xuduud badeedka u dhaxeeya Samliya iyo Kenya. Waxay ahayd in Somaliya ay waraaq u qorto dalka Kenya si loo magacaabo guddi ka tirsan labada dal oo dhameystira hergelinta xukunkii maxkamadda caalamiga ah, kaas oo muujinaya meesha uu xadka maro.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya villa Somaliya kuwaas oo sheegaya inuu Farmajo sugayo inta ay doorashada dhinac uga dhaceyso si uu mar kale gorgortan ugala Kenya si ay u aqoonsato markuu uu fulo qorashaha ah inuu doorashada soo boobo, taas oo uu hubo inay dhalin doonto muran aad u weyn, keenina karta inuu dalka dagaal sokeeye galo waayo dadka somaliyeed gaar ahaan dadka Caasimadda deggan ma qaadan karaan afar iyo ka badan sano oo Farmajo iyo kooxdiisa eedeysanayasha ah ay sii cadaadiyaan, caruurtana ka laayaan.
Ogow waxaa mar dhow bilaabmeysa dacwaddii xasuuqa lagu eedeeyey dhallinyaradii lagu siray in tababar loogu qaadayo Erateriya kadiban lagu shubay dagaaalka waqooyiga Itoobiya.
Arrintaan ka gaabinta u talagalka ah ee dhameystirka xukunka ICJ, waxay xaaladda dib ugu celin kartaa halkii laga keenay waana khater dad yari ay hadda ku baraarugsan yihiin, maadaama doorasho dhib badan lagu sii jeedo. Mucaaridka oo arrimahan isha ku hayn jiray wxay hadda ku mashquul yihiin doorashada oo uu Farmajo ka dhigay mid dhib badan si ay villa Somaliya u boobto, meel kastana laga maroojiyey.
Waa maxay ujeedada ay Villada ka leedaahay dib u dhiigga ku dhaqaaqid la’aanta hirgelinta dhaqangalka xukunkii maxkamadda:
- Inay mar kale dib ugala xaajooto Kenya kulana gorgortanto inay wax kaga badalato marka ay doorashada NN boobto, taas oo ah qorsho aan socon Karin innaba.
- Inay culeys iyo dhib u abuurto dowladda badali doonta haddii doorashada si sax ah loo qabto.
Labadaan qodob waa khater mid waliba culeyskeeda leh oo ay tahay in laga hortagaa inta aysan dhibaato hor leh imaanin, xaalkuna uusan gaarin meel aan wax badan laga qaban kareyn, waayo xukunka ICJ ayaa laga yaabaa inuu leeyahay shuruudo muddeysan oo haddii uu waqtigu dhaco aan la dhaqagelin Karin.