Somaliland oo xukun ku riday Korneyl xiriir Xubno la sameeyey Muqdisho Jooga

Reading Time: < 1 minute

 Maxkamadda Ciidamdada Millateriga Somaliland ayaa xukun adag ku riday Korneyl Jaamac Doolaal oo ka tirsanaa Saraakiisha Millateriga Somaliland, kadib markii ay la xiriirisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Eedeymaha loo cuskadaya xukunka maxkamadda ayaa waxay ku qotomeen inuu xiriir dhanka telefoonka ah la sameeyay shaqsiyaad jooga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, midaasi oo ay maxkamadu ku tilmaamatay dembi, sida ay saraakiil sarre u sheegen Warbaahinta 

Maxkamadda ayaa u aragta in Korneylka uu dambi ka galay Somaliland, maadama uu xiriir la sameeyay shakhsi jooga Soomaaliya, waxayna wararka aan helayno sheegayaan inuu Dolaal kala hadlay shaqsigaas arrimo qoys oo keliya.

Arrintaan ayaa meesha ka saareysa eedeyn hore loogu soo jeediyay Korneylka oo sheegayay inuu ku kacay khiyaamo qaran iyo kacdoon ciidan, kadib markii ay maxkamaddu cadeyn kari weyday cod lagu sheegay sir oo ay kusoo eedeysay xeer ilaalinta ciidanka Somaliland.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xili muddooyinkii dambe dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo si qarsoodi ah uga qoraneysay deegaano ka tirsan Somaliland

Tirada ciidankaas oo aan si rasmi ah loo heynin ayaa la sheegay in la qoray laba jeer, oo markiiba ah la qoray ciidan aan ka yareyn 400-500 oo askari, waxaana bilowgii ciidanka la qoray ayaa kamid noqday kumanaanka askari ee loo qaaday dalka Eritrea, halka bilo ka horna la qoray kuwa kale oo aan la sheegiin halka la geeyay, waxaase la xaqiijiyay in loo qortay ciidannimo.

Dhalinyarada Tababarka loo qaaday ayaa qaarkood la sheegay in lagu tababaro meelo kale oo kamid ah gobalada dalka halka qaar kalane loo qaado dalka dibadiisa.

Lama oga in dowladda federaalka ciidamadaas u tababarayso qalalaase laga abuuro Somaliland iyo in loo qortay kamid noqoshada ciidanka dowladda Soomaaliya, hase yeeshee odayaasha degaanka ayaa sheegay inay walaac ka qabaan.