Somaliland oo xirtay xafiisyadii ay ku lahayd dalalka Uganda & Shiinaha

Reading Time: < 1 minute
Somaliland ayaa maanta si rasmiya u xirtay Xafiisyadii ay ku lahayd waddamada Uganda iyo Shiinaha, iyadoo shaqadaba ka fasaxday saddex mas’uul.
Saddexda mas’uul ee shaqooda laga maarmay ayaa kala ah.
1 .Cawil Ibraahim Cali Wakiilkii hore ee Shiinaha u fadhiyay Somaliland.
2. Xamse Ibraahim Cabdilaahi Wakiilkii Somaliland ee Uganda.
3 Mustafe Cawil Jaamac ku-xigeenkii Wakiilka Somaliland ee Uganda.
Somaliland ayaa go’aankan u qaadatay si loo tashiilo dhaqaalaha sida ay Gallaydh Media u xaqiijiyeen Illo-dublumaasiyadeed.
Dhanka kale, Wakiilka Shiinaha ayaa goordhawayd shaaciyay in uu iscasilay balse go’aanka wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ka horreeyay.