Somaliland oo xabsiga dhigtay wariyayaal ku sugan Gobolka Awdal

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegyaan wararka naga soo gaarayo Gobolka Awdal, Afar wariye oo ka tirsan warbaahinta Gobolka Awdal ayaa saaka xabsiga loo taxaabey. Wararka Boorama laga helayo ayaa sheegaya in xadhiga suxufiyiintan uu amray Maayirka magaaladaasi.

Dhanka kale Warbaahinta Gobolka Awdal ayaa maalmihii u dambeeyay qoraysay in Maayirka Boorama uu u baxsaday dhanka Dalka Jabuuti, wallow uu maayirku beeniyay warkaasi. Xariga Wariyayaasha ayaa waxa uu ka mid yahay qorshaha ay Dowlada Muse Bixi ku aamusinayso warbaahinta madaxa banaan.