Somaliland oo war kasoo saartay dagaalka maanta ee Laascanood

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka maanta ka socda magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascanood.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Ciidanka SSC ay dagaalk ku soo qaadeen ciidamada Somaliland isla markaana ay iska caabiyeen.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu yiri : “Somaliland waxay mar kasta ilaalinaysaa xabbad joojintii ay hore ugu dhawaaqday,  Ciidanka Somaliland  wuxuu mar kasta ka dhawrsanayaa dhibaato soo gaadha Magaalada Laascaanood”.

“Ciidanka Somaliland, isaga oo dhaaddan xurmada bisha barkaysan ee Rabadaan, wuxuu hadana cid walba xasuusinayaa inuu u taagan yahay ilaalinta dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland”.

Inkasta oo warsaxaafadeedkan saaka lagu sheegay inay Somaliland dhawrayso xabad joojinta hadana afhayeenka Ciidamada Somaliland Axmed Dheere ayaa hore u shaaciyay in ciidanka Somaliland hada kadib ay igu qaadi doonaan weerarka.