Somaliland oo uga digtay Hay’addaha gargaarka inay toos u tagaan Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Somaliland ayaa ku amartay Hay’addaha Gargaarka  inay qiimeynta xaaladda Gobalka Sool, ka sameyn karaan oo kaliya deegaamada u dhaxeeya Oog iyo Adhicadeeye, marnaba aysan u gudbi karin magaalada Laascaanood.

Xubno kasocda Hay’adaha qaarkood oo fulinaya amarka Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland oo ay galbinayaan ciidamada Somaliland ayaa kusugan magaalada Oog, oo ah Taliska weyn ee ciidamada Somaliland, iyagoo isku diyaarinaya qiimeynta deegaanadan.

Sababta talaabadan ay Somaliland u qaaday ayaa ah, in dhankeeda lasoo mariyo Gargaarka Aadanaha ee loogu talo-galay bulshada kubarakacday dagaalka, xili bilowgii dagaalka Isbitaalka Laascaanod dawo caafimaad oo loo waday, lagu xanibay magaalada Berbera.

Guddiga 33-da ee SSC ayaa horey u diiday in gargaar kayimaada xagga SL soo galo deegaanadooda. Hay’addaha QM qaarkood iyo Dawladda Mareykanka ayaa todobaadkan bilaabay in ay gurmadka dadka dhibaateysan kasoo dajiyaan Garoowe, ka dibna loo gudbiyey deegaanada lagu barakacay iyo Laascaanood.