Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in mar kale ay dib u billaabmi doonaan wadahadalladii dowladda Federaalka iyo Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ku kulmi doonaan dalka Jabuuti.
Waxa uu tilmaamay wasiir Sacad in dowladda Turkiga laga wareejiyey dhex-dhexaadkii ay ka ahayd wadahadalladan, ayna la wareegtay Switzerland.
Wasiir Sacad ayaa sido kale sheegay in dowladda Turkiga aanay dhex dhexad ka ahayn wadahadallada, ayna taageereysay dhanka dowladda Federaalka ah.
Dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya, weli kama aanay hadal dib u bilaabashada wadahadalkii ay kula jirtay Somaliland.